Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka oo ku beegan 1-da May u diray dhammaan shaqaalaha caalamka, gaar ahaan hawlwadeennada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).
Guddoomiyaha AGA ayaa iftiimiyay in maanta ay tahay maalin weyn, oo ku astaysan waqti sannad walba maanta oo kale caalamka oo dhan laga xuso maalinta shaqaalaweynaha adduunka, isagoo dhanka kale ku boorriyay hawlwadeennada Akademiyada inay sii laba jibbaaraan gudashada waajibaadkooda shaqada.
“Hawlwadeennada Akademiya Goboleedka, waa halyeeyo u taagan ka soo dhalaalida waajibaadka ay u xilsaaran yihiin, waxaana ku bogaadinayaa hawlkarnimadooda, hufnaantooda iyo dhabar adaygooda joogtada ah” ayuu yiri Macallin Saciid Saalax.
Sannad walba 1-da May, waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta loo asteeyay xuska shaqaalaha adduunka.