Kulan looga hadlayay dardargalinta hawlaha Akademiyada, uuna shirguddoominayay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa 28/4/2025, waxa uu ka dhacay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Macallin Saciid Saalax ayaa hawlwadeennada Akademiyada u soo jeediyay inay xil gaar ah iska saaraan gudashada waajibaadka hawlmaalmeedkooda caadiga ah, isagoo dhanka kalana uga warbixiyay dadaalka Akademiyada & guddiga fulinta ee AGA ay ugu jiraan xoojinta laamaha Akademiyada & dhammaystirka waaxyaha Akademiyada.

Kulamada ay yeeshaan hawlwadeennada Akademiyada waa joogto, waxayna qayb ka yihiin hawlmaalmedka caadiga ah ee xubnaha Akademiyada Goboleedka Af Soomaaliga.