Xaflad lagu maamuusayay xuska maalinta caalamiga ah ee buugga oo sannad walba caalamka laga xuso 23 bisha Abriil, uuna soo qabanqaabiyay naadiga Somali Pen oo kaashanaysa jaamacadda Green Hope ayaa maanta oo ku beegan 24/4/2025, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan, aqoonyahanno, qorayaal, macallimiin, arday iyo martisharaf kale ayaa ugu horreyntii, waxaa ka hadlay xoghayaha guud ee Somali Pen Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ka hadlay taariikhda maalinta buugga, isagoo ku baaqay in loo hawlagalo sidii loo ilalailn lahaa xuquuda qoraalka iyo masakax mulkiyeedka bahda hal-abuurka.

Maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf Macallin Cabdulle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Green Hope qayb ka tahay xuska maalinta buugga, waxaana uu iftiimiyay inay ka go’an tahay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen helida nidaamkii lagu ilaalin lahaa xuquuqda hal-abuurayaasha Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee ururka FESOJ Faarax Cumar Nuur ayaa isna xuskaasi ka sheegay filimo iyo documentary ay sameeyeen, inta laga xadey in haddana lagu xirtay Copyright, isagoo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la helo sharci ku saabsan dhawrista xuquuqda hal-abuurka, si qofkii ku xadgudba loogu qaado sharcigasi.

Gabaggabadii xuskaasi, waxaa ka hadlay guddoomiye kuxigeenka Somaali Pen Axmed Maxamuud Dhicisow oo ku dheeraaday ka hadalka xaquuqda ay leeyihiin qorayaasha iyo sida loo ilaalin karo xaquuqdooda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leeyihiin akhriska, qoraalka, iyo ilaalinta xuquuqda hal-abuurka.