Kulan gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta hawlaha Akademiya Goboleedka AGA, ayna ka soo qaybgaleen xubnaha Akademiyada ayaa 7/4/2025, waxa uu ka dhacay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo uu shirguddoominayay Lataliyaha Guddoomiyaha Akademiyada, ahna madaxa waaxda Qaamuusaynta AGA Barasare Mustafa C/llaahi Fayruus ayaa laga soo saaray go’aanno la xiriira dardargalinta shaqooyinka Akademiyada & horumarinta af Soomaaliga & hal-abuurkiisa suugaaneed.

Kulankaas ayaa qayb ka ahaa kulamada joogtada ah ee lagu dardargalinaayo hawlaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).