Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, oo magaceeda loo soo gaabiyo AGA,  oo u igman dar-yeelka Af-Soomaaliga, ayna ku midaysanyihiin dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kiinya, ayaa bishii Juun ee sannadkii 2013 waxaa lagu aas-aasay magaalo-madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti.

Waxaana aas-aaskeeda aabbe u ahaa, mahadi ha ka gaadhee, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku sifoobay halyayga koowaad ee hiilka Af-Soomaaliga ka dib burburkii Soomaaliya ee sannadkii 1991.

Madaxweyne Geelle iyo hagar-baxiisa ka sokow, aas-aaska AGA wuxuu ayaan u yeeshay inuu kulansado qalin-yahannada iyo hal-abuurrada ugu xeesha dheer Soomaalida. Kuwaasoo u doortay guddoomiyaha AGA Dr. Maxammed Daahir Afrax, oo ah ruug-caddaa safka hore kaga jira qorayaasha caan-baxay ee Soomaaliya.

Labo sannadood ka dib aas-aaskeedii, ayaa Febraayo 2015 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu AGA, oo dhaga-dhan, u soo galbiyay magaala-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo laga billaabo taariikhdaas noqotay xarunta rasmiga ah ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).

“Af-Soomaaliga waxa u hooyo u ah Soomaaliya. Gaar ahaan waxaa hooyo u ah Af-Soomaaliga Muqdisho, oo markii ugu horreysay lagu qoray sannaddii 1972. Sidaas darteed, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA waxaan u soo rarnay Muqdisho oo ah halkii hooyada u ahayd qorista iyo horumarinta Af-soomaaliga” ayuu waagaas yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo intaas ku daray in hana-qaadka ilmuhu uusan ka maarmin gacan-ku-haynta hooyadiis.

Maalintaas ka dib Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA waxay ku sugnayd xarunteeda Muqdisho. Waxaanse shaki ku jirin in muddadaas AGA aysan Muqdisho ku helin tabantaabadii ay Jabuuti ku helaysay ladadii sanno ee madaxweyne Geelle uu gardaadinayay.

AGA ma hesho miisaaniyadda maaliyadeed ee ay u baahan tahay si ay u gudato hawlaha baaxadda leh ee ay u igman tahay, Walow ay Dawladda Federaalka Soomaaliya miisaaniyadda Qaranka ugu dartay qoondo wax yar uun ka dabooli karta baahida Akadeemiyada.

AGA wali Muqdisho kuma aysan yeelan hoy ay iyadu iska leedahay. Waxayna ku shaqaysaa guryo ay marti ku tahay. “Waxaan ka mid nahay bara-kacayaasha Muqdisho” ayuu yiri guddoomiyaha AGA Dr. Afrx mar uu waraysi uga hadlayay xaaladda ay ku shaqeeyaan wakhtigan!

Iyadoo duruufahaas ad-adag ku sugan ayay haddana Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA waxay magaalada Muqdisho iyo meelo kalaba ka waddaa wax-qabad lixaad leh oo lagu xannaanaynayo Af-soomaaliga. Wax-qabadkaas AGA ay ugu hiillinayso Af-Soomaaliga waa mid aad uga baaxad weyn haynteeda dhaqaale!

Himiladeennu waa hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa”. Hawraartaasi waa hal-ku-dhegga AGA. Iyagoo taas ka duulaya ayaa madaxda iyo hawl-wadeennada Akadeemiyadu waxay dal iyo dibadba uga hawllan yihiin cilmi-baarista, ururinta, kaydinta, dayac-tirka iyo fidinta horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurka suugaaneed, tix iyo tiraabba.

Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dhiganaha Hal-door, oo AGA ay soo saartay sannadkan 2018 oo ku saabsan taariikh-nololeedkii iyo dhaxal-aqooneedkii Alle ha u naxariistee Dr. Shariif Saalax Maxammed Cali, oo ahaa Guddoomiyihii Guddigii Af-Soomaaliaga, laga bilaabo sannadkii 1972 ee sida rasmiga ah loo qoray Far-soomaalida.

Diiwaanka Hal-door ee ay qoreen Cabdulqaadir Nuur Maax iyo Mustafa Cabdullaahi Fayruus, ayna sannadkan AGA ku maammuustay Alle ha u naxariistee Dan-jire Dr. Shariif Saalax wuxuu wax weyn ku soo biiriyay kaydka casriga ah ee Aqoonta Af-Soomaaliga. Buug-cilmiyeedkan oo ah kii 2aad ee taxanaha Darsidda Afka iyo suugaanta Soomaalida, kii ka horreeyey ee ay AGA soo saartay wuxuu ahaa buug-cilmiyeedkii Af-Maal ee ay qoreen dhawr iyo toban khabiir oo badankoodu ka tirsan AGA.

Wax-qabadka Akadeemiye-Goboleedka AGA ay ugu hiillinayso Af-soomaaliga waxaa ugu dambeeyay tababbar-xirfadeed taxane ah oo heer sare ah kuna saabsan hal-abuurka qalinka, ama qoraal-curinta oo 25-kii Oktoobar, 2018, AGA Muqdisho uga billawday qorayaal Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, una badan ardayda jaamacadaha iyo xubnaha naadiyada akhriska iyo qoraalka.

Dhallinyarada ka faa’iidaysanaysa taba-barkan, oo tiradoodu ka badan tahay 120 qof, ayaa waxay ka kala socdaan naadiyo akhris-qoraal oo magaalada Muqdisho ka dhashay saddaxdii sanno ee AGA ay ka hawl-galaysay Xamar. Waxaana naadiyadaas ka mid ah Maskax-shiil, Ifiye, Hilin-hayaan, Xamar iyo Banaadir.

Taba-barkan, oo uu xarigga ka jaray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa qudbad dheer waxaa ka soo jeediyay guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) qoraa sare Dr. Maxammed Daahir Afrax.

Mudane Afrax ayaa, ugu horreynba, u mahad-celiyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaannada kale oo goob-joog ahaa iyo dhammaan ka-qayb-galayaasha xafladda furitaanka taba-barka. Wuxuuna ku ammaanay ka-qayb-galayaasha sida xafladda ay u soo cammiren iyadoo maalintaas galinkeedii hore uu roob ka da’ayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha AGA, oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in taba-barkan uusan ahayn kii u horreeyay ee ay qabtaan. Balse ay taba-barro badan, oo lagu kobcinayo afka hooyo, ay horay ugu qabteen meelo ay ka mid yihiin magaala-madaxda dalka Jabuuti ee JabuutI, Hargaysa, Baydhabo iyo Xamar.

“Taba-barka maanta waxay ujeeddadiisu tahay kor-u-qaadista qoraal-curinta toolmoon ee qorayaasha da’da yar ee magaalada Muqdisho. Wuxuuna tabo-barkani socon doonaa muddo bil ah” ayuu yiri Dr. Afrax, oo intaas ku daray in, haddii Alle idmo, gabagabada taba-barkan dhamaan ka qeyb galayaasha oo dhan la siin doono shahaadooyin ka qeybgal. Ka dibna tartan-suugaaneed loo qaban doono dhallinyarada hal-abuurka ah. Xubnaha ku guulaysta kaalimaha u sarreeya tartankaasna ay AGA siin doonto abaal-marinno ay ku farxaan.

“Sida aad ka war-qabtaan taba-barrada Soomaalida badankood waxaa maal-galiya ajnabi. Taba-barkani kuwaas wuxuu uga duwanyahay ma jirto cid gacan dhaqaale nagu siisay. Haddaan nahay Bahda AGA si is-xil-qaan ah ayaan ku socodsiinaynnaa taba-barkan iyo hawlahayaga kaleba” ayuu mar kale yiri Dr. Maxammed Daahir Afrax, oo intaas ku daray waliba inta uu socdo taba-barku in AGA ay ka-qayb-galayaasha taba-barka ka bixinayso kharashaadka oonta ay hoteelka uga baahan yihiin. Wuxuuna aad ugu  guubaabiyay ka-qayb-galayaasha taba-barkan inay si buuxda uga faa’iidaystaan muddada ay casharradu socdaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo qudbad qiimo badan ka soo jeediyay xafladdaas, ayaa mahad-celin ka dib ammaan huwiyay madaxda AGA. Wuxuuna dhallinyarada ku baraarujiyay in Af-Soomaaligu uu yahay aayahooda. Ayna tahay inaysan xiisaynnin af shisheeye, balse ay qiimeeyaan afkeenna hooyo. Kana faa’iidaystaan fursaddan qaaligaa ee AGA ay siisay. Aqoonta ay kororsadaanna ay u sii gudbiyaan faca ku xiga.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku xeer-dheeraaday hodontinnimada Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa. Wuxuu tilmaamo ka bixiyay sida Af-Soomaaliga uu qarniyo badan ugu irkanayay suugaanyahannadiisa. Wuxuuna yiri “Af-Soomaaliga waxaa bedbaadiyay abwaannada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka-qab-galayaasha xafladda hogo-tusaaleeyay sida tixdu ay ugu tahay Af-Soomaaliga il ay ka soo maaxdaan dar-yeelkiisa iyo horumarkiisa. Wuxuuna faah-faahiyay qisada heesta “Ducaysane wiilkayow” ee uu curiyay Alle ha u naxariistee  abwaan Maxammuud Tukaale Cusmaan. Heestaas, oo uu qaado hoobalka Soomaaliyeed ee caanka ah Xasan Aadan Samatar, oo ka mid ah suugaanta dhaxal-wadareedka u ah ummadda Soomaaliyeed, ayaa saddexda meeris ugu dambaysa waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran:-

Murtidu duugoobi maysee

Adiyo inta kula dadaa baan

Dardaaran idiinka dhigayaa”.

Xafladdaas, oo ay ka soo qayb-galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo uu ka mid ahaa Prof. Cabdirisaaq Jurile, madax ka tirsan qaybaha bulshada Rayidka ah ee magaalada Muqdisho iyo dadweyne tiro badan, ayaa waxaa kale oo qudbado ka soo jeediyay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, marwo Dahabo Sh. Maxammuud, oo ka tirsan Ururka Hal-abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed SOMALI PEN iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA, qaybaha kale ee bulshada iyo ka-qayb-galayaasha taba-barka. Waxayna xafladdu ku soo gabagabowday hannaan aad u qurux badan.

W/Q. Calideeq Maxamed Xaashi