Bandhiggii buugaagta Galmudug oo oo muddo labo maalmood ah ka socday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayna ka soo qaybgaleen Xildhibaanno, Wasiirro, madaxda dawlad goboleedka Galmudug, siyaasiyiin, qorayaal, aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa 31/12/2024, waxaa lagu soo gabaggabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo khudbad ka jeediyay xiritaankii bandhigaasi ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu leeyahay akhrisqoraalka, wuxuuna ku boorriyay bulshada reer Galmudug inay  yeelato dhaqan ku aaddan akhrisqoraalka, isagoo ku ammaanay qabanqaabiyaashii bandhigaasi sida qurux badan oo ay u soo qorsheeyeen.

Bandhigga buugaagta Galmudug oo la qabanayo sannadki labaad ayaa waxaa qabashadiisa iskakaaashaday Md, Maxamed Mukhtaar iyo maktabadaha Galmudug oo door weyn ka qaatay qabsoomidda bandhigaasi.