Agaasimaha guud ee tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Tawakal), oo ay wehlinayeen guddoomiyihii hore ee jaamacadda Ummadda iyo hormuudka kulliyadda saxaafadda iyo cilmiga warbaahinta ee jaamacadad Ummadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow ayaa 11/11/2024, waxay xarunta AGA u yimaadeen ka qaybgalka shir aqooneed looga hadlayay arrimo la xiriira cilmibaarista iyo shirweynaha Somali Study oo dhawaan la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Shir aqooneedkaasi kaddib, agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyo xubnihii la socday, ayaa soo booqday maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay sii hayaha guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Barasare Cabdalla Cumar Mansuur.
Agaasime Tawalkal oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid xarunta Akademiyada, wuxuuna qiray inay Akademiyadu samaysay dadaal badan oo ku wajahan dhinaca afka iyo hal-abuurkiisa, isagoo dhanka kale ballanqaaday inuu buugaag cusub ku soo kordhin doono makatabadda Akademiya Goboleedka .
![]()
![]()













