Shirweynihii 3-aad ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, looguna talaggalay doorashada guddoonka Akademiyada AGA, ayaa caawa oo ku beegan 3/11/2024, waxaa lagu soo gabaggabeeyay magaalada Jabuuti.
Shirweynahaasi oo magaalada Jabuuti ka socday intii u dhaxaysay 2-3/11/2024, ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubnaha golaha guud ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ka kooban guddiga fulinta, wakiillada laamaha Akademiyada, xeeldheerayaasha AGA iyo aqoonyahanno kale oo lagu casuumay shirweynahaasi.
Guddoon cusub oo ka kooban guddoomiye iyo seddex guddoomiye kuxigeen, ayaa loo doortay inay hogaamiyaan Akademiyada Goboleedka AGA, kuwaasi oo kala ah:-
1-Macallin Saciid Saalax Axmed ….. guddoomiyaha cusub ee AGA
2-Dr. Cabdinaasir Aaxmed Ibraahim ……….. guddoomiye kuxigeen
3-Dr..Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) guddoomiye kuxigeen
4-Ismaacil Cabdi Axmed ……………. guddoomiye kuxigeen.
Horrey, waxaa xilka guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga si kumeelgaar ah u soo hayay Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ah xeeldheerayaasha af Soomaaliga.













