Munaasabad loogu talaggalay bandhigga buugga Dardaaran, ayna ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan, aqoonyahanno, qorayaal, maskaxmaal Soomaaliyeed iyo marti sharaf aad u badan, ayaa 24/10/2024, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Ugu horreynti,i waxaa munaasabadaasi ka hadlay agaasimaha waxbarashada AGA Cabdulqaadir Cabdi Axmed (jJubba), oo dhammaan ka qaybagalayaashii bandhigaasi ku soo dhaweeyay xarunta Akademiyada, wuxuuna caddeeyay in Akademiya Goboleedka ay ka go’an tahay dhiirrigilinta qorayaasha Soomaaliyeed, isagoo itiimiyay inay AGA soo dhaweynayso barnaamij walba oo ku saabsan dhinacyada afka, dhaqanka, suugaanta iyo hal-abuurka.
Qoraha buugga Dardaaran Sahrakiin Cabdi Xirsi, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekaysay arrimaha ku dhaliyay qoraalka buugaasi, waxayna ka qaybgalayaashii bandhigaasi la wadaagtay nuxurka iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay buugeeda.
Qaar ka mid ah ka qaybagalayashii bandhigaasi ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin ka soo qaybgalka daahfurka buugaasi, iyagoo u mahadnaqay qoraha buugaasi, oo ay qireen inay bulshada u soo bandhigtay buug waxtar leh.
![]()













