Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga AGA) Barasare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa shalay oo ku beegnayd 19/10/2024, waxa uu xarunta dhexe ee Akademiyada ee magaalada Muqdisho uu ku qaabilay wafdi ka socday safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.
Barasare Cabdalla Mansuur oo wafdigaasi ku soo dhaweeyay xarunta Akademiyada AGA, ayaa uga warbixiyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto hiilka iyo daryeelka af Soomaaliga, isagoo uga xogwarramay buugaag ay jaamacadda Roma Tre ugu soo deeqday makatabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.
Xubno ka mid ah wafdigaasi, oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen xarunta Akademiya Goboleedka, iyagoo soo dhaweeyay xiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya jaamacadda Roma Tre iyo Akademiya Goboleedka.
Wafdigaasi ayaa ugu dambayntii soo indha-indheeyay buugaagta ay jaamacadda Roma Tre ugu soo deeqday makatabadda Akademiyada.
![]()













