Kulan lagu falanqaynayay buugga sheekada Laba-eef, oo ay qortay Seynab Xaaji Axmed  (Ugbaad), ayna soo qabanqaabiyeen bahda Akhriska Toolmoon, ayaa 09/10/2024, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horrayn, waxaa kulankaasi ka hadlay Macallin Cabdullaahi Cabdi Sh. Aadan (Gacanka) oo gacan weyn ku lahaa soosaarista sheekadas, wuxuuna si guud uga hadlay magacbixinteeda, qoristeeda iyo soosaaristeeda.

Aqoonyahan Cabdiweli Shariif Sh. Cumar, oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa si wanaagsan u iftiimiyay asluubta qoraha buugga Laba-eef Seynab Ugbaad, wuxuuna  si faahfaahsan u dul istaagay habqoraalka sheekooyinkeeda, mawduucyada ay ka hadasho iyo macallimiintii ay ka qalin daaratay.

Barkhad Wardoon iyo Wiilo Daahir oo ka mid ah bahda Akhriska Toolmoon, soona akhriyay sheekada ayaa igana ka hadlay nuxurka iyo macluumaadka ay sheekadu tebinayso.

Ugu dambayn, Seynab Xaaji oo ah qoraha buugga ayaa u mahadnaqday ka qaybgelayaasha kulanka, bahda qabanqaabada iyo Xasan Qaraabo oo gogosha kulanka dhigay.

Laba-eef, waa sheeko soo baxday sannadkan. Waxaa qortay Seynab Xaaji (Seynab Ugbaad). Sheekada waxaa daabacday shirkadda daabacaadda Hiil Press.