Kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, loogana hadlayay sidii ay wadashaqayn u yeelan lahaayeen labada Akademiya ayaa 29/7/ 2024, wuxuu ka dhacay xarunta Akademiyada AGA ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur.oo xarunta AGA ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Md. Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga ku yinid xarunta AGA, wuxuuna caddeeyay in la joogo xilligii ay labada Akademiya xoojin lahaayeen iskaashiga labada xarumood, gaar ahaan dhanka horummarinta af Soomaaliga iyo cilmiyayntiisa.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Md. Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa isna sheegay inuu ka mahadnaqayo sida quruxda badan ee loogu dhaweeyay xarunta AGA, wuxuuna iftiimiyay inuu soo dhawaynayo wadashaqayn kasta oo dhex marta labada xarumood ee  la xiriirta dhinacyada afka, dhaqanka, suugaanta, aqoonfaafinta  iyo hal-abuurka, isagoo dhanka kale bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee uu Baresare Cabdalla Mansuur uu ugu jiro cilmibaarista af Soomaaliga iyo horummarintiisa.

Ugu dambayntii, labada Guddoomiye ayaa isla qaatay in la sii dardargaliyo hawlaha ay labada Akademiya u hayaan ummadda Soomaaliyeed, iyada oo mar kasta la iska kaashanayo ilaalinta iyo bedqabka afka iyo hal-abuurkiisa suugaaneed.