Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 24/4/2024, wuxuu si rasmi ah xarunta Maktabadda iyo Kaydka Qaranka ee waddanka Jabuuti uu uga daahfuray bandhiggii buugaagta iyo dhaqanka ee dalkaasi.

Maadxaweynaha oo ka hadlayay furitaankii munaasabadaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan ka soo qaybgalka bandhigaasi oo sannadkii labaad ka taabbagalayo dalka Jabuuti, wuxuuna caddeeyay in dawladiisa ay ka go’an tahay dhiirrigalinta qoraalka, afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, isagoo u mahadnaqay wasaaradda dhallinyarada iyo dhaqanka Jabuuti oo soo agaasintay bandhigaasi.

Bandhigga sannadkaan oo socon doono 24-28/4/2024 ayaa waxaa  halku dhig looga dhigay “Suugaanta dhallinyarada, afka iyo qoraalka”,  waxaana ka soo qaybgalay qorayaal, abwaanno, xeeldheerayaal afeed, tarjumaano, maktabaddo, madbacaddo soo saara buugaagta iyo xirfadlayaal kale oo kala duwan.

Bandhigan wuxuu hadda noqday dhacdo suugaaneed lama huraan ah oo sannadba sannadka ka dambaysa ka qayb qaadata horumarinta mihnadda buugaagta iyo dhaqanka.