Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa maanta oo ku beegan 23/4/2024, wuxuu u ambabaxay dalka Jabuuti, si uu halkaasi uga qeybgalo shir looga hadlayo dardargalinta Akademiya Goboleedka iyo xoojinta dib u adeegsiga af Soomaaliga.
Guddoomiye Cabdalla ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Jabuuti, wuxuu ka qeybgali doonaa bandhig buugeed caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhaqanka Jabuuti.
Dawladda Jabuuti ayaa ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ku bahoobay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, waxaana xusid mudan in Akademiyadan lagu unkay isla dalka Jabuuti sannadkii 2013.