Xirmo aqooneed isugu jirta nuqullo ka mid ah buuggii caanka ahaa ee Waasuge & Warsame (Socdaalkii 30ka Maalmood), Copy-yaal ka mid ah fartii Kaddariya, qaar ka mid ah buugaagtii laga qorey marxuumka & sawir ka mid ah sawirrradiisii ayaa 28/3/2024, waxaa la soo gaarsiiyay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.
Deeqdaasi ayaa xarunta AGA, waxaa soo gaarsiiyay xubno ka mid ah ehellada Dr. Kaddare, waxaana ka guddoomay agaasimaha waxbarashada Akademiya Goboleedka Bare C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ehellada marxuumka uga mahadnaqay dhaxal cilmiyeedkaasi ay ugu soo deeqeen Akademiya Goboleedka.
Maktabadda Akademiyada oo ay yaallaan boqollaal kutub ayaa la dhigay dhaxal cilmiyeedkaas uu ka tagay Dottore Kaddare.
Allaha u naxariistee Dr. Xuseen Shiikh Axmed Hilowle (Kaddare), wuxuu ka mid ahaa guddigii af Soomaaliga ee 1972, sidoo kale wuxuu ahaa aqoonyahankii lahaa fartii u gaarka aheyd ee loo yaqiinay Kaddariya.