Xaflad si ballaaran loo soo agaasimay, laguna maamuusayay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, guddoomiyaasha AGA iyo Akademiyada Cilmiga, xeeldheerayaal afeed, maskaxmaal, aqoonyahanno, qurbajoog, abwaanno, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale, ayaa shalay oo ku beegeyd 21 Febraayo 2024, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada Cilmiga ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka xafladaasi, waxaa ugu horreyntii ka hadlay guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Md, Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo sheegay xarunta Akademiyada Cilmiga inuu ku soo dhaweynayo dhammaan madaxda iyo martida ka qaybgalaysa xafladda xuska maalinta afka hooyo, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay dadaalka Akademiyada Cilmiga ee ku aaddan dhinacyada cilmibaarista afka, dhaqanka iyo suugaanta, isagoo u mahadnaqay guddiigi ka soo shaqeeyay munaasabadaasi.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Baresare Cabdalla Cumar Mansuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha iyo muhiimmada uu afku leeyahay, waxaana uu caddeeyay af Soomaaligu inuu ka mid yahay khayraadka ummadda Soomaaliyeed, isagoo bulshada ku guubaabiyay inay ilaashato afkooda hooyo,

“Af Soomaaligu waa af qani ah, wuxuuna u baahan yahay in la isu kaashado sidii loo xoojin lahaa, dawlad iyo shacbiba waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta af Soomaliga,” ayuu yiri Cabdalla Mansuur oo soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed la jecleysiiyo afkooda hooyo.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka mid ah maqaawiirta iyo golaha fulinta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ayaa munaasabadaasi ka sheegay inay khatar weyn soo wajahi karto afkeenna hooyo, haddii aan loo gurman, waxaana uu iftiimiyay afku inuu mudan yahay in nafta loo huro, isagoo soo dhaweeyay halkudhegga sannadkan oo ah “Adeegso Afkaaga Hooyo”, kaasi oo uu tilmaamay inay Soomaalidu leedahay.

Guddoomiyaha gudiga waxbarashada Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa sheegay in dib u eegista Dastuurka lagu daray qodob madaxda ku waajibanaya inay ilaaliyaan afka hooyo, isagoo tilmamay in Baaramaanka uu ku dadaali doono xoojinta af Soomaaliga.

Wasiirka wasaaradda waxbarshada XFS Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo gunaanadkii munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay labada Akademiya u soo qabanqaabiyeen xuska maalinta afka hooyo, waxaana uu hoosta ka xarriiqay afku inuu yahay xarigga isku haya ummadda Soomaaliyeed, isagoo iftiimiyay ummaddii afkeeda weyso inay weynayso dhaxalkeeda.

“Ammaan waxaan mudan Madaxweynha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo gurmad lixaad leh u galay af Soomaaliga, markuu arkay khatartii ku soo wajahneyd, isagoo ururiyay xeeldheeraayashii afka ilaa laga abuuro Akademiya Goboleedka AGA oo u xilsaaran hiilka af Soomaaliga, taasoo maanta leh xarun weyn iyo aqoonyahanno ka hawlgala” ayuu  yiri Wasiir Faarax oo ugu dambayntii ballanqaaday  inay wasaaradiisu ka go’an tahay sidii uu af Soomaaliga u noqon lahaa afka rasmiga ah ee waxbarshada dalka.

Munaasabadaasi ayaa intii ay socotay, waxaa  lagu soo bandhigay suugaan iyo cayaarro dhaqan oo aad loo jecleystay, sannad walba ayaa 21 Febraayo waxaa caalamka oo dhan laga xusaa maalinta caalamiga ah ee ku astaysan afka hooyo.