Tabbabar ku saabsanaa “Weerta Af Soomaaliga & Kaalinta Qurubyada”, ayna ka soo qaybgaleen xubno ka kala socday Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Akademiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta, xarunta Dhaxalreeb, jaamacadda Green Hope & Somali Pen ayaa 15/1/2024, wuxuu ka furmay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka Tabbabarkaasi ayaa waxaa ka hadlay Lataliyaha sare ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Mustafa C/llaahi Feyruus oo sheegay inuu xarunta AGA ku soo dhaweynayo dhammaan xubnaha tabbabarka ka qaybqaadanayo, isagoo iftiimiyay inay Akademiyadu ka go’an tahay qabashada tabbabarada noocaan oo kale ah.

Intaasi kaddib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii duruusta  bixinayay, iyadoo uu halkaasi kula wadaagay ka qeybgalayaashii tabbabarka casharro aad u qiimo badan.

Tabbabarkaasi ku saabsanaa “Weerta Af Soomaaliga & Kaalinta Qurubyada”, ayaa wuxuu qeyb ka yahay tabbabarro baahsan oo Akademiyadu ay u qabato bahda aqoonta, afka, dhaqanka iyo hal-abuurka.