Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa maanta oo ku beegan 10/01/2024, wuxuu magaalada Muqdisho kaga qaybgalay dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaa “Waxbarashada iyo Af Soomaaliga”, taasoo ay soo qabanqaabisay jaamacadda Green Hope oo ka mid ah jaamacadaha dalka kuwooda ugu firfircoon, ahna Jaamacadda kaliya ee bixisa kulliyadda afka iyo suugaanta.

Dooddan oo ahayd mid aad u xiisa badan, ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka jaamacadda Green Hope, mas’uuliyiin ka socotay xarunta Dhaxalreeb, makhaawiirta afka iyo dhaqanka Soomaalida, qorayaal, ardayda jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale.

Doodaasi oo aad loo jecleystay ayaa aqoonyahannadii ka qaybgalay waxaa  ka mid ahaa:

  1. Baresare Cabdalla Cumar Mansuur Guddoomiyaha Akademiyada AGA

  2. Xuseen Tooxow Faarax Madaxa Jaamacadda Green Hope

  3. Maxamed Muuse Mataan

  4. Maxamed Cilmi Tooxow

  5. Bare Maxamed Faarax Cali (Sabca weyne)

  6. Agaasime Cabdi Axmed Maxamed (Baafo)

  7. Maxamed Warsame Hiraabey

Ugu horrayn,  waxaa barnaamijka furay maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf Macallin Cabdulle oo martidii iyo ka soo qaybgalayaashii doodaas  ku soo dhaweeyay, maamulaha ayaa ku dheeraaday waxqabadka jaamacadda iyo kaalinta ay kaga jirto horumarrinta af Soomaaliga.

“Waxaan samaynay kulliyad u gaar ah jaamacadda Green Hope oo lagu baranayo afkeenna hooyo iyo suugaantiisa, waxaa ka soo baxay dhallinyaro badan oo maanta kaalin wanaagsan uga jira hawlaha horumarrinta afkeenna, waxaana raja wanaagsan ka qabnaa in jaamacadaha kale ee nala mid ka ah ay iyagana hawshan adag dhinac nagala wadaan, ayuu yiri maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf Macallin Cabdulle.

Furitaankii madashaasi kaddib, waxaa loo gudbay doodda barnaamijka, iyadoo aqoonyahaannadii fadhiga ka qaybgalay ay si wanaagsan uga jawaabeen su`aalihii la weyddiiyay, kaddibna waxaa la siiyay ka qaybgalayaashii doodda oo iyagana su`aalo weyddiiyay aqoonyahaannadii kala duwanaa ee doodda ka qeybqaadanayay.

Doodaas oo socotay dhawr saacadood ayaa waxay ku soo gabagabowday  jawi aad u wanaagsan.