Wakiilka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee qaaradda Yurub Ustaad Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon ayaa 18/12/2023, waxa uu xarunta dhexe ee AGA uu soo gaarsiiyay agab uu Akademiyada u soo hibbeeyay qoraaga lagu magacaabo Baasi Busuri.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Baresare Cabdalla Cumar Mansuur oo agabkaasi ka guddoomay wakiilka AGA ee qaaradda Yurub ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay agabkaasi loogu soo deeqay xarunta Akademiyada, waxaana uu halkaasi uga mahadnaqay qoraa Baasi Busuri oo alaabtaas u soo hibbeeyay Akademiya Goboleedka.
Qoraaga Baasi Busuri ayaa horrey wuxuu u soo booqday xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.















