Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee dib u eegista Dastuurka dawlada Federaalka Soomaaliya Md, Burhaan Aadan Cumar iyo xubno uu hogaaminayay oo ka tirsan guddigaas ayaa 13/12/2023, waxay booqasho ku yimaadeen xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Wafdigaas oo xarunta AGA ku yimid martiqaad ay ka heleen guddoonka Akademiyada, ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Baresare Cabdalla Cumar Mansuur oo ay wehlinayeen xubno ka mid ah mas’uuliyiinta Akademiya Goboleedka.

Ugu horreyntii, waxaa kulankaasi ka hadlay Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee Dastuurka Md, Burhaan oo sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid xarunta AGA, waxaana uu caddeeyay inuu guddoomiyaha AGA uga mahadnaqayo sida fiican ee uu ugu tifaftiray qodobbo ka mid ah Dastuurka dalka, isagoo iftiimiyay inay Akademiyadu shaqo wanaagsan la qabatay guddigiisa.

 Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Baresare Cabdalla Cumar Mansuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu fududeeyo wax kasta oo looga baahdo oo ku saabsan af Soomaaliga, waxaana uu u ballanqaaday guddiga Dastuurka inuu diyaar u yahay sidii uu ugu tifaftiri lahaa qodobbada uga dhimman Dastuurka, isaga oo dhanka kale iftiimiyay inuu soo dhaweynayo hay’ad kasta oo gacan uga baahda Akademiyada.

Kulankaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ee Akademiyada iyo gudiiga Dastuurka.