Munaasabad kooban loo lagu maamuusay wareejinta nuqullo ka mid ah buugaagta Alif Maayga, ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa shalay oo ku beegneyd 29/11/2023, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiyada AGA.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur, oo ugu horreyntii munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Akademiyadu soo dhaweynayso soo saarista buugaagtaasi, isaga oo bogaadiyay aqoonyahannadii soo saarey buugaagtaasi ka hadlaysa Alif Maayga.
Abuukar Shiikh Axmed (Albadri) oo ka mid ah guddigii qoraalka buugaagtaasi ayaa isna halkaasi ka sheegay inuu ku faraxsan yahay in nuqullo ka mid ah buugaagta Alif Maayga uu soo gaarsiiyo maktabadda Akademiya Goboleedka, isagoo ka mahadnaqay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay xarunta AGA.
Qoraa Abuukar Albadri, waa taabbageliyaha iyo hindisaha mashruuca lagu hormarinayo Alif ba’da far Maayga, waana bare muddo badan ku soo jiray saxaafadda Soomaalida.















