Aqoon-isweydaarsi heerkiisu aad u sarreeyay oo ku saabsan “Habdhigaalka Aqoonsiga Muwaaddinka Soomaaliyeed”, ayna soo soo qanbanqaabisay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 20/110/2023, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiyada ee magaalada Muqdisho.

Aqoon-isweydaarsigaas oo loogu talaggalay inuu socdo hal maalin ayaa waxaa ka soo qeygalay Xildhibaanno, wakiillo matalayay hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka, waaxda dad dhigista Dawladda Hoose, qeybta imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada, jaamacadaha dalka qaarkood, naadiyada akhris/qoraalka, aqoonyahanno iyo  marti sharaf kale.

Ugu horreyntii, waxaa aqoon-isweydaarsigaasi ka hadlay la taliyaha sare ee Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Baresare Mustafa C/llaahi Feyruus, waxaana uu sheegay ujeeddada aqoon-is weydaarsigu inuu yahay sidii talo looga yeelan lahaa heybta muwaadinka soomalaiyeed, 50 sanno kaddib qoraalkii farta Soomaaliga iyo maxaa sababay kala duwanaansha higgaadda baasaboorka iyo shahaadooyinka?

Intaasi kaddib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha AGA Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo soo jeediyay daraasaddii lagu soo bandhigay aqoon-isweydaarsigaas, taasi oo ku saabsaneyd toosinta iyo casriyaynta haybta shaqsiga Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ka qeybgalaayashii aqoon-isweydaarsigaas oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qabashada madashaasi qiimaha badan, waxayna qireen inay Akademiyada hayso hawl qaran oo aad u baaxad weyn, iyaga soo jeediyay in la joogteeyo aqoon-is weydaarsiyada noocaan oo kale ah.

Ka qeybgalayaashaasi oo isugu jirey dhinacyo kala duwan ayaa intaas ku darey inay lagama maaraan tahay in laga taxadiro habdhigaalka aqoonsiga muwaadinka, iyaga oo soo jeediyay haddii la samayn karo qaamuus af Soomaali ah oo ay ku midaysanyihiin magacyada.

Guddoomiyaha AGA ayaa gabaggabadii kulankaasi, wuxuu iftiimiyay sida loogu baahan yahay inay  hay’aduhu xil isaga saaran habdhigaalka aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay aqoonta ay halkaasi ka qaateen inay ku dabqaaan hawl maalmeedkooda caadiga ah.