Bandhig si ballaaran loo soo agaasimay, looguna talaggalay bandhigga buugga “Barwaaqo laga Baahanyahay” ayaa 09/11/2023, waxaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, ee caasimadda kumeelgaarka ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Munaasbadda bandhigaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay, madax isugu jirtay: Wassiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland, madaxda bulshada rayidka, aqoonyahanno, bahda waxbarashada, naadiyada akhris/qoraalka, warbaahinta iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaas.

Ugu horreyntii, waxaa munaasabadaasi ka hadashay Iqra Saciid Xasan (Iqra Cayncayn) oo ka sheekeeysay nuxurka iyo qeybaha uu ka kooban yahay buugeeda, waxayna dulmar kooban ku samaysay xogaha uu buugaasi xambaarsanyahay, hadday ahaan laheyd: taariikhda dalkeenna, beeraha, xoolaha, kalluunka iyo macdanta kala duwan ee laga helo dhulkeenna, iyadoo xustay in buugga “Barwaaqo laga Baahanyahay” uu yahay buug soo bandhigaya khayraadka kala duwan oo Alle ugu deeqay dhulkeenna iyo macdanta ka buuxda.

Kulanka oo si aad ah loo soo buuxiyay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxdii ka soo qeybgashay:

  1. Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md: Axmed Naaji Xaaji Cabdullaahi

  2. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Md: Bishaar Aadan Geeddi     

  3. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Md: Abshir Maxamed Cabdi  

  4. Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada Marwo: Faaduma Cali Cabdikariin iyo wasiirra kale.

Dhinaca kale, Xildhibaannadii iyo agaasimayaashii goobta bandhigga soo bilay waxaa ka mid ahaa:

  1. Xildhibaan Dr. Shire Cabdi Maxamed

  2. Xildhibaan Maxamed Cabdinaasir

  3. Xildhibaanad Abshiro Axmed Kadiye

  4. Agaasime Saacid Cabdullaahi Macallin Axmed

  5. Agaasime Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi

Buugga “Barwaaqo laga Baahanyahay”  ayaa ah buug si cilmiyaysan uga hadlayo nimcada uu Alle ku manaystay dalka Soomaaliya, iyada oo ugu dambayntii uu bandhigaasi ku soo dhammaaday jawi quruxbadan.