Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo 3/11/2023, ka qaybgalayay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay dhallinyaro dhammaysatay Habdhigaalka Af Soomaaliga, isla markaana lagu soo bandhigayay buug ku saabsan Taariikhda Qorsita iyo Horumarinta Af Soomaaliga ayaa deeq buugaag ah ugu yaboohay maktabadda Akademiyada AGA.
Md, Faarax Cabdulqaadir oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ku dheeraday qiimaha afka hooyo uu leeyahay iyo kaalinta kaga aaddan wasaaradda.
Wasiirka, ayaa ugu dambayn nuqullo ka mid ah buugaagtii u iibiyay waxa uu ku wareejiyay hawlwadeeennadii ka socday Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), iyadoo masuuliyiintii buugaagtaasi guddoontayna ay isla shalayba soo gaarsiiyeen oo ay dhigeen maktabadda