Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Barasare Cabadlla Cumat Mansuur ayaa 16/10/2023, wuxuu xarunta Akademiyada kula kulmay arday ka tirsan jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo booqasho ku yimid xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.
Barasare Cabdalla Mansuur ayaa ardaydaasi si qoto dheer uga warramay taariikhda iyo muhiimmadda uu leeyahay af Soomaaliga, waxaana uu iftiimiyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto xoojinta iyo horumarinta afka hooyo, isagoo ardaydaasi ku guubaabiyay inay ka qeybqaataan hiilka loogu jiro afkeenna hooyo.
Qaar ka mid ah ardaydaasi oo ka socday kulliyadda waxbarashada ee jaamacadda ummadda ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen xarunta AGA iyo kulanka ay la qaateen Barasare Cabdalla Mansuur, iyaga oo ka mahadnaqay soo dhaweynta loogu sameeyay xarunta AGA.