Wasiiru dawlaha wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dawladda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa shalay oo ku beegneyd 5/10/2023, waxa uu soo booqday maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), kaddib markii uu xarunta AGA uga qaybgalay bandhigga buugga Wehelka Waddaniga oo daahfur loogu sameeyay hoolka Akademiyada ee magaalada Muqdisho.

 Wasiir Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa maktabadda AGA, waxaa ku soo dhaweeyay madaxda maktabadaasi, waxayna uga warbixiyeen buugaagta maktabadda taalla iyo sida ay maktabadda u shaqayso.

Md, Asad Cabdirisaaq Maxamed oo booqashadiisa kaddib, halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si aad ah ugu riyaaqay hawlaha baaxadda leh oo ay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga u hayso bulshada Soomaaliyeed, isagoona ballan qaaday inay wasaarad ahaan garabtaaganyihiin Akademiyada, wax walbaa ay uga baahatana ay diyaar u yihiin inay ka kaalmeeyaan.

Wasiir Asad ayaa ugu dambayntii sheegay in aysan maanta noqon doonin maalintiisa ugu dambaysay, balse ay xarunta u noqon doonto meel uu si joogta ah u yimaado, isaga oo maktabadda ugu deeqay nuqullo ka mid ah buugga wehelka waddaniga.