Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Somali Pen, laanta Muqdisho ayaa kulan xus iyo xusuus ah u sameeyay xubnihii ka geeriyooday naadiga Somali Pen.
Kulan duco iyo Qur`aan akhris ah oo ay soo agaasimeen naadiga Somali Pen laanta Muqdisho ayaa shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 25/09/2023 lagu qabtay magaalada Muqdisho.
kulankan oo loogu ducaynayay xubnihii ka geeriyooday Somali Pen, gaar ahaan marxuumiintii ka baxay laanta Muqdisho ee kala ahaa abwaan Cabdi Muxumed Amiin iyo Cabdinaasir Yuusuf Macallin iyo sidoo kale aasaasihii Naadiga Pen Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubnaha naadiga, ardayda Jaamacadda Green hope iyo mas`uuliyiin kale oo kulanka lagu casuumay.
Kulanka ayaa lagu daahfuray Qur`aan loo akhrinayay guud ahaan xubnihii ka geeriyooday naadiga Somali Pen muddadii uu dhisnaa, iyadoona uu muddo saacad ah socday Qur`aan akhriskaas, kaddibna waxaa la guda galay qaybihii kale ee munaasabadda.
Waxaa kulanka ka hadlay Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba), xoghayaha naadiga Pen laanta Muqdisho oo ku dheeraaday taariikhda marxuumiintii ka geeriyooday naadiga Somali Pen gaar ahaan taariikhda abwaan Cabdi Muxumed Amiin, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Cabdinaasir Yuusuf Macallin, isagoona ka sheekeeyay kaalintii ay madaxdaasi ku lahaayeen dhisidda iyo horumarinta laanta Muqdisho iyo guud ahaan Somali Pen.
Waxaa isagana munaasabadda ka hadlay Cali Cumar Abati oo xubnaha naadiga ka mid ah, isagoona ka tacsiiyay geerida marxuumiinta, dhallinyarada naadigana wuxuu ku booriyay in aysan is dhigan oo hawshii ay saaxiibbadii geeriyootay wadeen halkooda ka sii dhaqaajiyaan.
Waxaa barnaamijka qayb wayn ka ahaa madaxda laamaha iyo wakiillada Akademiya Goboleedka iyo Somali Pen oo dhinaca isgaarsiinta uga qayb qaatay, iyagoona u duceeyay marxuumiinta naadiga ka geeriyootay, waxay ka sheekeeyeen taariikhda marxuumiinta geeriyootay iyagoona ugu dambeen dardaaran iyo bogaadinba siiyay xubnaha laanta Muqdisho, waxaa ka mid ahaa haldoorradii kulanka codkooda ku soo biiriyay:
-
Abwaan Axmed Aw-Geeddi, guddoomiye ku xigeenka labaad ee naadiga Somali Pen
-
Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro
-
Macallin Maxamuud Maxamed Cabdillaahi
-
Abwaan Yuusuf Xaaji Cabdillahi (Sheekhul Casri)
-
Ustaad Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon
-
Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad)
-
Cabdulqaadir Ruumi
-
Buuni Maxamed Shiikh Xasan (Afguriye)
-
Farduus Siciid Dirir















