Xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ayaa 31 Agoosto ilaa 1 Sebtember 2023, waxay martigalisay bandhig dhaqameedkii labaad ee Muqdisho, kaasi oo ay soo qabanqaabisay xarunta dhaqanka ee Awjaamac Cumar Ciise.
Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka G/Banaadir ee arimaha bulshada Cabadicasiis Cismaan Maxamed oo si rasmi ah u furey bandhigaasi ayaa sheegay in Muqdisho ay sharaf u tahay in sannadkii labaad ay martigaliso bandhigaasi, waxaana uu iftiimiyay sida loogu baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed ay ilaashato dhaqankooda, isaga oo u mahadnaqay xarunta Awjaamac oo soo abaabushay bandhigaasi.
Guddoomiyaha xarunta Awjaamac Fardowsa Jaamac oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in sannadkii labaad ay Muqdisho ku qabanayaan bandhigooda dhaqanka, waxaana ay caddeysay in bandhigaan loogu talagalay sidii da’yarta Soomaaliyeed loogu ababin lahaa dhaqankooda, iyada oo mahadnaqday AGA oo martigalisay Bandhigaasi qiimaha badan.
Madaxa arimaha bulshada ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Najma Maxamuud Cumar oo ku hadlaysay magaca AGA ayaa sheegtay in Akademiyadu ay diyaar u tahay soo dhaweynta iyo martigalinta hawlaha kala duwan ee la xiriira dhinacyada afka, dhaqanka, hal-abuurka, waxbarashada iwm, waxaana ay ku guubaabisay shacbiga Soomaaiyeed inay u halwgalaan sidii ay u dhawran lahaayeen dhaqankooda.
Bandhigaasi oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay cayaaro dhaqameed, agab dhaqameed, dooddo ku aadan dhinaca dhaqanka, sheeko xariireedyo iyo arimo kale oo xiiso badan.
Dad badan oo ka soo qeybgalay bandhigaasi ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iidaysteen bandhigaasi, iayga oo u mahadceliyay xarunta awjaamac iyo AGA oo isk kaashaday suurtatgalinta bandhigaasi.















