Munaasabad aad u baallaaran oo lagu maamuusayay sannadguuradii shanaad ee naadiga Garaadkobac, isla markaana lagu soo bandhigay waxqabadkii naadigaas muddadii uu jiray, ayna ka soo qeybgaleen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa 3/8/2023, waaxa lagu qabtay xarunta beerta Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha naadiga Garaadkobac Md, Saabir oo ugu horreyntii munaasabadaasi ka hadalay ayaa ka sheekeeyay taariikhda, aasaaska iyo waxqabadkii naadigaas muddadii uu soo jirey, waxaana uu xusay inay wax badan u qabsoomeen, isaga oo u mahadnaqay hawlwadeennadii naadigaasi ee heerka fiican soo gaarsiiyay.

Intii ay socotay, munaasabadaasi waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirta siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa’udiin, ganacsato iyo waxgarad kale, kuwaasi oo bogaadiyay waxqabadka naadiga Garaadkobac.

Aqoonyahanadii halkaas ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Prof. Bursaliid oo sheegay in akhrisku uu yahay barta bulshada laga koriyo, sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Prof. Baafo oo sheegay in akhrinta taariikhaha jiilalkii innaga horreeyay ay keenayso inaan hore uga dhaqaaqno halka aanu maanta taagan nahay, isaga oo intaasi raaciyay inay muhiim tahay in ummad kasta ay ogaato oo ay daraaseyso sooyaalkeedii iyo dadkii ka horreeyay halkii ay mareen.

Munaasabadaasi oo qeybo badan ka koobneyd, ayaa intii ay socotay, waxaa qabsoomay dooddo lagu lafagurayay heerka akhriska ee bulshada Soomaaliyeed, iyo sidii loo horumarin lahaa bulshada, iyadoo dhanka akhris qoraalka xoogga la saarayo.