Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa la guddoonsiiyay Shahaado sharaf uu heerkoodu aad u sarreeyo, waxaana shahaadadaas gudddoonsiiyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo xilligaan hawlo shaqo uga maqan wadanka dibaddiisa ayaa shahaadadaas qiimaha badan waxaa u guddoontay Xogheynta guud ee Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad).
Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed oo ka hadlay munaasabadii lagu bixinayay shahaadadaas ayaa caddeeyay Guddoomiyaha Aga inuu u qalmo shahaadadaas iyo wax ka badan, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Dr. Afrax uu shahaadaas ku mutaystay dadaalkiisa joogtadfa ah ee uu ku bixiyo hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo saaxiib dhaw la ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa 19-kii Sebtember 2018 waxay u dabaal-degeen sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Golahaas.















