Waxaa habeen hore oo ku beegneyd 20/8/2023, hoolka Xayaat ee magaalada Muqdisho si qurux badan uga qabsoomay bandhiggii buugga; 𝗫𝗨𝗟𝗢 𝗠𝗔𝗚𝗔𝗖𝗔 𝗜𝗟𝗠𝗔𝗛𝗔𝗔𝗚𝗔 oo uu qalinka u qaatay guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed qoraa Cali Suudi Nageeye, iyada oo bandhiggaasi ay ka soo qeybgaleen: Xildhibaanno, maamulka G/Banaadir, hay’adda Naafada Qaranka, qorayaal, aqoonyahanno, naadiyada akhris-qoraalka, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Furitaankii munaasabadaasi kaddib, halkaasi waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha MQS oo ah qoraaga buugga, wuxuuna ugu horreyntii bulshadii bandhigga ka soo qaybgashay la wadaagay mucda iyo muhiimadda uu buuggu xambaarsan yahay, asaga oo si guud sharraxaad kooban uga bixiyay tusmada buugga: oo ay ugu muhiimsanaayeen mahadnaqa, hibeynta iyo astaamaha wanaagsan lagama maarmaanka u ah magac bixinta.
Qoraaga ayaa sidoo kale, ka soo qaybgalayaasha uga warbixyay dhibaatooyinka kala duwan ee laga dhaxlay adeegsiga magacyada kooban ee hadda sida weyn loo isticmaalo, wuxuuna bulshada ku boorriyay inay buugga oo ay ku jiraan boqol magacyo gabdhood iyo boqol magacyo wiil oo wata macnahooda akhristaan, ubadkoodana magacyo uga xushaan, taasi oo uu sheegay in xal u noqon karto xaaladda magac adeegsiga ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa bandhigga hadaljeedinno kala duwan ka jeediyay masuuliyiintii madasha soo xaadirtay, ayaga oo dhammaantood kaalintooda ku biiriyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in si wadajir ah loo xambaaro farriinta uu buuggu xambaarsan yahay, taasi oo ay wada qireen in ay tahay mid ubadka iyo afka hiil u ah.
Dhanka kale qaybihii kala duwanaa ee soo camiray bandhigasi ayaa iibsaday buugaag badan, oo ay ku dhiirrigelinayeen qoraaga iyo horumarinta akhris-qoraalka bulshada.