Bandhig aad u ballaaran, oo loogu talagalay soo bandhigida buugga OLOL, ayna ka soo qeybgaleen masuuliyiin, qorayaal, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa 6/8/2023, waxa uu si qurux badan uga dhacay xarunta dhexe ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA.
Munaasabadii bandhigga buugaasi ayaa ugu horeyntii waxa ka hadashay qoraa Habboon Muuse Yuusuf oo Ka warbixisay nuxurka iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay buugaasi, iyada oo intaasi raacisay inay rajaynayso in buugeeda waxtar badan uu u yeelan doono bulshada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah madaxdii iyo qorayaashii ka soo soo qeybgalay bandhigga buugaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka bandhigaasi, waxaana ay qoraha buugga OLOL ku bogaadiyeen soo saarista buugaasi, iyaga oo dhanka kale bulshada ku baraarujiyay inay noqdaan bulsho jecel wax akhriska,
Gabagabadii bandhigaasi ayaa waxaa halkaasi lagu iibsaday nuqullo badan oo ka mid ah buugga OLOL, iyada oo ay halkaasi ugu saxiixday qorihii buugaasi.















