Buug aad u qiima badan oo loogu wanqalay “Xulo Magaca Ilmahaaga”, uuna qorey guddoomiyaha midowga qorayaasha Soomaaliyeed Md, Cali Suudi Nageeye ayaa lagu wadaa 20/8/2023 oo ku beegan maalinta Axada ah in lagu soo bandhigo magaalada Muqdisho.
Bandhigga buugaas oo si weyn loo wada sugayo ayaa la filayaa inay ka soo qeybgaleen dad aad u fara badan oo isugu jira madax, masakax maal, qorayaal, iyo marti sharaf aad u badan oo xiisaysa qoraalka.
Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo hawlaheeda ay ka mid yihiin dhiirrigalinta qorayaasha Soomaaliyeed iyo taabbagalinta bandhigyada buugaagta ayaa si diirran u soo dhaweynaysa daahfurka loo samaynayo buugga “Xulo Magaca Ilmahaaga”
Qoraalka buugaagta, waa talaabo horey loo qaaday oo ku aadan dhanka wanaagsan.














