Kulan aqoonwadaag ah oo ay soo agaasintay naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho, ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta iyo xubnaha naadigaasi ayaa 10/8/2023, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankaasi ayaa lagu bilaabay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa dhanka afka Soomaaliga oo ay soo jeediyeen khuburo ku xeeldheer cilmi afeedka, waxaana intaas kaddib, goobta lagu soo bandhigay suugaan kala duwan, taasoo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah xubnihii kulanka ka qaybgalay.
Intaasi kaddib, waxaa halkaasi hadallo kala duwan ka soo jeediyey mas’uuliyiinta Somali Pen ee Muqdisho iyo xubin ka tirsan Somali Pen Jigjiga, waxayna sharraxaad ka bixiyeen waxqabadyada Somali Pen, iyagoo soo jeediyay in la xoojiyo waxqabadyada Somali Pen qaybaheeda kala duwan.
Ugu dambeyntii kulankaas ayaa laga akhriyay xeerka Somali Pen ee laanta Muqdisho, waxaana qodobbadii la isla gartay ma ahanee, inta kale la isku raacay in gadaal looga daro.















