Munaasabad ballaaran oo loogu talagalay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023, ayna ka soo qeybgaleen Xildhibaanno, madax ka socotay maamulka G/Banaadir iyo mas’uuliyiin matalaysay dugsiyada G/Banaadir qaarkood ayaa maanta oo ku beegan 1/8/2023, waxa ay ka dhacday xarunta aqalka dawladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Barre oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday, isaga oo intaasi raaciyay inay dhacday 535 Arday, kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobjoog ka ahaa munaasabaddii imtixaankaasi lagu shaacinayay ayaa u hambalyeeyay ardaydii ka gudubtay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.