Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay furitaanka rasmiga ah ee xarunta dhaqanka Soomaalida ee Hiddo Center ayaa 13/7/2023, waxaa lagu qabtay magaalada Toronto ee wadanka Canada.

 Munaasabaddii furitaanka xafladaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo magac ku leh bulshada Soomaaliyeed oo isugu jiray siyaasiyiin, safiirro, aqoonyahanno, abwaanno, fannaniin, qorayaal, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan.

Mas’uuliyiin isugu jirta wasiirro hore, safiirro, abwaanno iyo madax kale oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay furitaanka xarunta Hiddo, iyaga oo bogaadiyay dadkii ka soo shaqeeyay daahfurka xaruntaasi.

Gudoomiyaha iyo aasaasaha xarunta Hiddo Md, Xasan Tuke oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ballaaran ee looga soo qeybgalay furitaanka xarunta Hiddo, waxaana uu caddeeyay inay qaban doonaan kulamo kala duwan oo Soomaalida reer Canada ay ku soo bandhiggi doonaan hiddaha iyo dhaqanka suuban ee ummadda  Soomaaliyeed, isaga oo u mahadnaqay hawlwadeennnadii kala shaqeeyay qabanqaabada iyo furitaanka xaruntaasi.

Intii ay socotay munaasabaddii furitaanka xaruntaasi ayaa halkaasi waxaa lagu daawaday suugaan isugu jirta heeso, gabayo iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.