Kulan looga wadahadlayay sidii ay Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga iyo maamulka G/Banaadir isaga kaashan lahaayeen ololaha dib u adeegsiga iyo dhigaalka far Soomaaliga ayaa maanta oo ku beegan 3/7/2023, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Guddoomiye ku xigeenka Akademiyada Drs. Maryan Cariif Qaasim oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay  soo dhaweynayaan iskaashiga AGA iyo G/Banaadir ee ku aadan hiilka afka Soomaaliga, waxaana ay iftiimiyeen inay Akademiyadu u qorshaysan tahay sidii wax la taaban karo ay uga qaban laheyd nooleynta iyo daryeelka afka Soomaaliga, iyaga hoosta ka xariiqay inay AGA ka go’an tahay sidii af Soomaaliga loogu soo celin lahaa meeqaamkiisii hore.

“Qorshaha dhaw ee Akademiyadu waa sidii loo bilaabi lahaa ololaha  dib u adeegsiga iyo dhigaalka far Soomaaliga, waxaana rajaynaynaa in mar dhaw uu furmo ololahaas oo aan ku tala jirno inaan ka bilowno G/Banaadir, kaddibna uu ku fido gobollada kale ee dalka” ayay yiraahdeen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka AGA oo dhanka kale ka mahadnaqay booqashada uu Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka G/Banaadir ku yimid xarunta Akademiye Goboleedka AGA.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka G/Banaadir ee arimaha bulshada iyo wacyigilinta  Md. Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid xarunta AGA, waxaana uuu caddeeyay G/Banaadir inuu diyaar u yahay sidii uu Akademiyada ugala shaqeyn lahaa xoojinta afka Soomaaliga, isaga oo ballanqaaday inay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaan ololaha  dib u adeegsiga iyo dhigaalka far Soomaaliga.

Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socotay maamulka degmooyinka G/Banaadir  iyo mas’uuliyiin kale.