Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 28/6/2023, waxa ay ugu hambalyeesay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Alxaaga, taasi oo maanta ay tahay maalintii koowaad ee dabaaldegga ciiddaas.

War qoraal ah ka soo ka soo baxay xarunta dhexe ee AGA ayaa Alle looga baryey shucuubta Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsaneyd oo ay soo guteen, iyada oo qoraalkaasi loogu rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo horumar.

Ugu dambayntii, warkaasi ayaa looga codsaday dadka Soomaaliyeed farxadda Ciidul Alxaaga awgeed in uu qof kasta gacan ka geysto farxadgelinta dadka tabaaleysan.

Ciidda loo yaqaanno Ciidda Carafo ayaa waxa ay ka mid tahay labada ciidood ee uu Alle siiyay ummaddaha Islaamka ah.