Munaasabad lagu maamuusayay waxqabadkii Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur, ayna ka soo qeybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, siyaasiyiin, xeeldheerayaal, abwaanno, qorayaal, maskaxmaal iyo marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii 25/6/2023, waxaa lagu qabtay hoolka xafladaha ee shirkadda warbaahinta Astaan TV ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaaa waxaa lagu daawaday Documentary looga sheekaynayo nolosha, taariikhda iyo waxqabadka Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur, kaasi oo in muddo ah ay diyaarinaysay shirkadda Astaan TV ee fadhigeedu uu yahay Gobolka Banaadir.
Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya Md, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Xildhibaan C/llaahi Xasan Rooble, Wasiir hore Cabdi Axmed Baafo, Xildhibaan hore Khaalid Macow C/qaadir iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa qirey in Bare sare Cabdalla Mansuur uu yahay halyey taariikhda ummadda Soomaaliyeed kaga qoran baal dahab ah, waxayna sheegeen inuu ka mid yahay aqoonyahanka ay Soomaaliya ku faanto, iyaga oo iftiimiyay in Cabdalla Mansuur lagu xasuusan doono waxaqabadkiisa dhinaca afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Mansuur oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Documentary-ga laga diyaariyay nolshiisa, taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa, waxaana uu halkaasi ka ballanqaaday inuu halkiisa ka sii ambaqaadi doono hiilka, daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga, isaga oo dhanka kale si weyn ugu mahadnaqay shirkadda warbaahinta Astaaan TV oo soo saartay filimkaasi.
Gabagabadii munaasabadaasi ayaa Bare sare Cabdalla Mansuur waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay Bilad sharaf qiimo badan, iyada oo isla markaana loo xirray calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
















