Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 11/6/2023, waxa ay tababbar qiimo badan oo ku saabsan “Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga”, u qabatay dhallinyaro ka tirsan Midowga Qorayaasha Soomaaliyed.

Tababbarkaasi oo lagu qabtay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isku soo duway Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed oo kaashanayo jaamacadda Imaamu Shaafici, waxaana ka faa’iidaystay in ka badan konton xubnood oo ka mid ah dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka afka Soomaaliga.

Munaasabaddii furitaanka tababbarkaasi kaddib, ayaa cod baahiyaha waxaa lagu dhaweeyay Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii bixinayay tababbarkaasi heerkiisu sarreeyay

Bare sare Cabdalla Mansuur ayaa ka qeybgalayaashii tababbarka la wadaagay cashar xiiso badan oo qeyb ka ahaa Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga, iyada oo intaasi dabadeed uu Prof. Mansuur ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardaydii tababbarka ka qeybqaadanaysay.

Xildhibaan C/llaahi Xasan Rooble oo soo xirray tababbarkaasi ayaa sheegay inuu Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) uu uga mahadnaqayo qabashada tababbarkaasi, isaga oo dhanka kalana bogaadiyay Midowga Qoraaaysha iyo jaamacadda Imaamu Shaafici oo iska soo duway suurtagalinta tababbarkaaasi.

Xildhibaan Rooble ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha jaamacadda Imaamu Shaacifi Prof. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Midowga qorayaasha Soomaaliyeed Cali Suudi Nageeye oo ka hadlay dadaalkii loo soo galay qabashada tababbarkaasi.

Gabagabadii tababbarkaasi ayaa xubnihii ka qeybqaatay waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay shahaadooyin caddaynaya tababbarka ay qaateen.

.