Guddoomiyaha aqalka sare ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa 26/5/2023, waxa uu xarunta golaha murtida iyo wacyigalinta ee (National Theatre) uu ku soo gabagabeeyay bandhiggii buugaagta Muqdisho oo halkaasi ka socday muddo seddex maalmood ah.

Md, Cabdi Xaashi oo ka hadlayay xiritaankii bandhigaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeybgalo gabagabada bandhigaasi, waxaana uu iftiimiyay in aqoon iyo taariikh mug weyn la isku weydaarsadey seddexdii maalmood ee uu bandhigaasi socday, isaga oo bogaadiyay buugaagtii, doodihii iyo cilmigii la isku dhaafsadey carwadaasi.

“Aqoonyahannada Soomaaliyeed, waxaaan ka codsanayaa inay qoraan taariikhda faca weyn ee ummadda Soomaaliyeed, waxaana bulshadeena ku guubaabinayaa inay badiyaan akhriska, waxaana soo jeedinayaa ina la sii wado bandhigyada noocaan oo kale ah oo bulshada waxtarka badan u leh” ayuu yiri Guddoomiyaha aqalka sare oo u mahadceliyay dadki soo agaasimay bandhigaasi.

Guddoomiyaha ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Sh. Cali (Doodishe) iyo maamulaha carwada buugaagta Muqdisho Md, Diini oo ka sheekeeyay taariikhda iyo heerarkii uu soo maray bandhigaasi.