Wafdi isugu jirey wakiillada Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga iyo aqoonyahanno caan ah oo ka soo qeybgalay carwadii buugaagta Muqdisho ayaa 27/5/2023, waxa ay si wadajir ah u soo booqdeen xarunta dhexe ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Wafdigaasi qiimaha badan ayaa xarunta AGA waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Akademiyada Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Drs. Maryan Cariif Qaasin, intaasi kaddib waxa ay wafdigu soo indha-indheeyeen qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Akademiyada.
Bare sare Cabdalla Mansuur, Drs. Maryan Cariif iyo Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ku hadlayay magaca Akademiyada ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay martida soo booqatay xarunta AGA, waxaana ay wafdiga uga warrameen hawlaha ay qabato Akademiye Goboleedka iyo dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto horumarinta af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Wakiilka AGA ee Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), Mudane Boodhari Warsame oo ka mid ah masuuliyiinta Akademiyada ee Sweden, taariikhyahan Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar, qoraa Baasi Busuri iyo xubno kale oo ku hadlayay magaca wafdiga yimid xarunta AGA ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Akademiyada, waxaana ay caddeeyeen inay fekrad fiican ka qaateen AGA iyo waxqabadkeeda, iyaga oo ka mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga.
Booqashadaasi oo ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan ayaa qaar ka mid ah qorayaashii xarunta soo booqday, waxa ay makatabadda Akademiyada ugu deeqeen nuqullo ka mid ah buugaagtooda, waxaana ka guddoomay madaxda Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga.















