Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax oo haatan socdaal hawleed ku joogo wadanka Ingiriiska ayaa 16/9/2018-ka waxa uu shahaado sharaf qiimo badan ku guddoonsiiyay Wakiilka Aga ee dalkaasi Prof. Cabdulqaadir Ruumi Abuukar.
Prof. Maxamed Daahir Afrax oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabadii bixinta shahaadadaas ayaa sheegay Wakiilka Aga ee wadanka Ingiriiska inuu shahaadadaas ku mutaystay howlkarnimadiisa la xiriirta dadaalka uu ugu jiryo daryeelka afka hooyo iyo hirgelinta howlaha Aga, isagoo ku guubaabiyay dardar-galinta hawlaha uu u xil saaran yahay.
Wakiilka Akadeemiyada ee dalka Ingiriiska Prof. C/qaadir Ruumi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay inuu ku faraxsan yahay in la guddoonsiiyo shahaadadaas, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay sidii uu uga soo dhalaali lahaa shaqooyinka ay Akadeemiyadu ka qabanayso wadanka ingiriiska, isagoo Guddoomiyaha Aga uga mahad celiyay gudddoonsiinta shahaadadaas.
Prof. C/qaadir Ruumi ayaa ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo had iyo goor u taagan hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.















