Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 6/5/2023, waxaa uu muxaadaro (khudbad cilmiyeed) qiimo badan u jeediyay ardayda dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Jabuuti oo ku yaalo degmada Wadajir ee G/Banaadir.
Muxaadaradaasi oo ku saabsaneyd qiimaha uu leeyahay afka Soomaaliga ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Akademiye Goboleedka, waxaana ka soo qeybgalay oo ka faa’iidaystay ardayda fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee iskuulkaas,
Bare sare Cabdalla Mansuur oo la hadlayay ardaydaasi ayaa ugu horeyntii uga sheekeeyay taariikhda Akademiyada, waxaana uu xusay in Akademiye Goboleedku ay tahay xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, isaga oo iftiiimiyay in Akademiyadu ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, af Soomaaligana lagaga hadlo.
Mar uu ka hadlayay qiimaha afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in af Soomaaligu uu yahay astaanta iyo hantida ugu qiime badan ee ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu intaas ku darey in af Soomaaligu uu yahay furaha aqoonta iyo aayatiinka ubadka Soomaaliyeed.
“Af Soomaaligu waxa uu ahaa afka rasmiga ah ee qaranka, afka loo adeegsado waxbarashada, maamulka iyo dhinacyada kale ee adeegga bulshada, dhinacyadaas oo ah rukunnada aan la’aantood afku waari karayn, waxaase nasiibdarro ah in burburkii kaddib ay halis ku soo fool yeelatay afkii Soomaaliga, taasi oo ilaa iyo haatan haysata” ayuu yiri Bare sare Cabdalla oo ku nuuxnuuxsadey inay AGA dadaal badan ugu jirto sidii uu af Soomaaligu ugu soo laaban lahaa meeqaamkiisii hore.
Guddoomiye Cabdalla, ayaa hoosta ka xariiqay inuu jiryo gaabis xagga waxbarashada ah oo ku saabsan dhinaca afka Soomaaliga, waxaana uu tilmaamay inuu ka xun yahay in afaf qalaad laga jeclaaday afkii hooyo, isaga oo u soo jeediyay maamullada dugsiyadda iyo dawladda Federaalka inay siiyaan afka Soomaaliga mudnaantii uu lahaa.
Muxaadaradaasi ayaa ku dhammaatay jawi aad u wanaagsan, waxaana goob joog ka ahaa macallimiintii hogaaminaysay ardaydaasi iyo xubno ka socday Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga, iyada oo intaasi kaddib ay ardaydu soo indha indheeyeen makatabadda iyo qeybaha ay ka kooban tahay Akademiye Goboleedka.















