Kulan looga hadlayay kor u qaadida iyo horumarinta afka Soomaaliga, ayna ka soo qeybgaleen guddoonka Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga iyo maamulka jaamacadda Green Hope ayaa 6/5/2023, waxaa lagu qabtay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ugu horeyntii ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaal kasta oo jaamacadaha dalka ku bixinyaan kor u qaadida afka hooyo, waxaana uu caddeeyay inuu jaamacadda Green Hope ku bogaadinayo sida ay ugu dhiirrratay dhismaha kulliyad si gaar ah u qaabilsan afka Soomaaliga iyo suugaantiisa, isaga oo ballanqaaday inuu diyaar la yahay wixii aqoon iyo tababbaro ah oo ku saaban afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Eng. Maxamed Cabdi Cali oo ka socday maamulka jaamacadda Green Hope oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Akademiyadu diyaar ugu tahay gacansiinta cid walba oo ku hawlan horumarinta afka Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inay dhawaan jaamacadda Green Hope ka qalin jabin doonto dufcaddii koowaad ee 30 sanno kaddib ka baxda kulliyad u qaas ah afka Soomaaliga iyo suugaantiisa.

Kulankaasi oo ku dhammaaday jawi wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka tirsan Akademiyada iyo mas’uulyiin ka socotay jaamacadda Green Hope.