Buug cusub oo la magac baxay Ilays, ahna buug waxbarasho oo ay qortay macallimad Nimco Nuur ayaa 27/4/2023, waxaa lagu soo bandhigay kulliyadda luqadaha iyo macallimiinta ee jaamacadda Hilsinki ee dalka Finland.
Munaasabadii bandhigga buugaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay aqoonyahanno, qorayaal, maskax-maal, macallimiin, saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo isugu jirtay Soomaali iyo ajnabi.
Qoraaga buugga Ilays macallin Nimco Nuur oo ka hadlaysay munaasabadii daahfurka buugeeda ayaa sheegtay qoraalka buugaasi inay waday intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2023, waxaana ay iftiimisay inay isu keentay oo ay buugaasi ka soo dhex saartay seddex manjah oo kala ah Soomaali, Carabi & Finish, iyada oo intaasi raacisay in buugaasi si fudud loo baran karo.
“Buugta Ilays, waxa ay ka kooban yihiin fasalka koowaad ilaa fasalka lixaad, waxaana ugu talagalay inay caruurta qurba joogta ay ku bartaan afka Soomaaliga” ayay tiri Nimco Nuur oo intaasi raacisay inay buugeeda ku soo dartay cod ama dhawaq la socda ereyga, sawirka iyo magac kasta oo buugga ku jira.
Qaar ka mid ah aqoonyahannadii ka soo qeybgalay daahfurka buugaasi ayaa soo dhaweeyay soo saarista buugaagta Ilays, waxaana ay caddeeyeen inay wax badan ka faa’iidaysan doonaan caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan, iyaga oo dhanka kale uga mahadnaqay Nimco Nuur oo soo saartay buugaagtaas waxtarka leh.















