Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 29/4/2023, waxa uu kulan miradhal ah la yeeshay madax ka socotay dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee (Mogadishu Private Schools).
Kulankaasi oo ka dhacay xarunta dhexe ee Akademiyada AGA ee magaalaada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiyaha dugsiyadda gaarka ah Ciise Maxamed Mahad Alle, guddoomiye ku-xigeenka Cabdiraxmaan Xuseen Ibraahim, xoghayaha maamulkaasi Farxaan Xirsi Colow iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxda maamulkaasi.
Guddoomiyaha dugsiyadda gaarka loo leeyahay (MPS) Ciise Maxamed Mahad Alle iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Xuseen Ibraahim oo ugu horeyntii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen xarunta AGA, waxaana ay ka mahadnaqeen tababbarkii ay dhawaan u qabatay Akademiyada macallimiin ka mid ah Mogadishu Private Schools, iyaga oo dhanka kale codsadey marka la gaaro billaha Juunyo iyo Luulyo in loo tababbaro macallimiin cusub.
Guddoomiye Cabdalla Mansuur oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu madaxda iyo macallimiinta MPS uu ku soo dhaweynayo xarunta AGA, waxaana uu caddeeyay inuu albaabka Akademiyada u furan yahay muwaadin kasta oo doonayo horumarinta afka iyo hal-abuurkiisa, isaga oo dhanka kale iftiimiyay waajibaadka Akademiyadu inuu yahay sdii ay macallimiinta iyo bulshada Soomaaliyeed u gaarsiin laheyd hadba wixii aqoon ah oo ku saaban af Soomaaliga iyo hal-abuurkiia.
“Tababbarkii aan dhawaan qabanay ee macallimiinta dugsiyadda G/Banaadir wuxuu ahaa mid kooban, waxaana rajaynayaa inaan halkiisa ka sii wadno tababbarada noocaas oo kale ah“ ayuu yiri Bare sare Cabdalla Mansuur oo intaas raaciyay inay Akademiyadu ka go’an tahay sidii ay u tababbari laheyd cid walba oo jecel afka iyo hal-abuurkiisa.
Kulankaasi oo ku dhacay jawi aad u wanaagsan ayaa goob joog waxaa ka ahaa mas’uuliyin ka mid ah Akademiyada iyo macallimiin ka socotay maamulka dugsiyadda gaarka loo leeyahay.















