Macallimiintii loo qaadanayay dugsiyadda G/Banaadir ee ka soo gudbay imtixaankii dhanka qoraalka ahaa ayaa toddobaadkaan bilaabay inay u fariistaan wejigii labaad ee imtixaankaasi, oo ka dhacay shan goobood oo ku kala yaallo magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socoto Wasaaradda Waxbarashada iyo agaasinka waxbarashada G/Banaadir ayaa macallimiintaasi la yeelanayay wareysi dhanka afka ah (Interview), iyada oo musharax walba oo macallimiintaasi ka tirsan la weydiinayay su’aalo la xiriira dhinaca waxabarashada.

Ku-simaha agaasimaha guud  ee wasaaradda waxbarashada, ahna agaasimaha tacliinta sare ee wasaaardda waxbarashada iyo barbaarinta Dr. Ismaaciil Yuusuf Cismaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo agaasinka waxbarashada G/Banaadir ayaa kormeeray goobaha ay ka kala dhacayaan imtixaanaadkaasi.

Xarunta AGA ayaa ka mid aheyd shanta goobood ee loo xushay inuu imtixaankaasi ka dhaco, iyada oo macallimiinta ku soo bixi doonta tartankaasi la filayo in ay xoojin doonaan tayada waxbarashada Soomaaliya.