Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, fannaankiii caanka ahaa ee Cumar Xasan Rooraaye oo galabta oo ku beegneyd 22/4/2023 ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, Marxuum Cumar Xasan Rooraaye oo ka mid ahaa tiirarkii kooxda hobollada Waaberi “ ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akademiyada AGA ayaa Marxuumka Alle uga baridey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa fannaaniintii loogu jeclaa hobollada Waaberi ee caanka ku ahaa ku luuqaynta heesaha kala duwan.