Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 29/12/2023, waxa ay billad sharafyo ay guddoonsiisay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xilligaasi si wadajir ah xariga uga jarey xarunta dhexe ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee AGA Prof. Cabadalla Cumar Mansuur oo billad sharaftaasi guddoonsiiyay labada Madaxweyne ayaa sheegay inay ku mutaysteen kaalinta ay ka qaateen hiilka afka Soomaaliga iyo taabagalinta Akdemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Billad sharaftaasi ayaa Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku mutaysteen doorka ay ku leeyihiin hiilka afka Soomaaliga iyo hirgalinta Akademiyadiisa,